Coronavirus: Trump Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedeeymo Loo Soo Jeediyay
April 14, 2020 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si caro leh u difaacay qaabkii ay dowladiisa ula tacaashay feyriska Corona ee dalkaasi ku dilay in ka badan 23,000 oo qof.
Madaxwaynaha oo shir jaraa’id ku qabtay aqalka cad ayaa ku adkeystay in wax badan oo sax ah uu sameeyay.
Waxaa uu inta ku daray in tallaabooyiinkii uu qaaday uu ku badbaadiyay boqolaal kun oo qof oo u dhiman lahaa feyriska Corona