Shirkada Aflaamta Sameysa Ee Bollywood Oo Albaabada Loo Xidhay Iyo Aktaradii Filimada Matali Jiray Oo Guryohooda Ku Xayiran
April 14, 2020 - Written by Berbera Today
India(Berberatoday.com)-Iyadoo adduunka oo dhan uu u xayiran yahay cudurka Covid-19 awgiis, shirkadaha filimada sameeya ee dalka Hindiya waxay wajahayaan dhibaato xooggan oo dhinaca dhaqaalaha ah, maadaama filimadii shaqadooda laga kala dhaqaaqay shaleeymooinkiina ay xiran yihiin, xilli xiddigihii filimadana ay guryahooda ku xareysan yihiin. Haroon Rashid, oo ah wariyaha BBC-da u qaabilsan isgaarsiinta Aasiya ayaa ka warramaya saameynta gaartay Bollywood-ka.
Bishii lasoo dhaafay xilligan oo kale, taageerayaasha Bollywood ee caalamka ku nool aad bay u faraxsanaayeen. Filimkii ugu dambeeyay ee uu hagay Rohit Shetty ayaa la sugayay in shaleemeeyinka laga daaro 24-kii March.
Dadka sameeyay filimkaas, oo lagu magacaabo Sooryavanshi, waxay filayeen inuu si weyn uga gadmo suuqa filimada ee box office, sababtoo ah sii deynta filimka waxay si aan ku talagal ahayn ugu soo aadday maalin Hindiya ka ah fasax qaran.
Laakiin halkii taas la filayay, waddanka oo dhan wuxuu maalintaas galay xayiraad 21 maalmood ah, si loo istaajiyo fiditaanka cudurka coronavirus.
Siideynta filimka Sooryavanshi waxaa dib loogu dhigay waqti aan la cayimin.
Waxaa sidaasoo kale nasiib darro ugu dhacday filimka 83 ee uu hagay Kabir Khan, oo ah filim laga sameeyay kooxda reer Hindiya ee ku guuleysatay koobka adduunka ee cricket-ka, waxaana jilayay lamaanaha dhabta ah ee kala ah Ranveer Singh iyo Deepika Padukone. Filimkaasna wuxuu ballansanaa 10-kii bishan April.
Khan oo ka hadlayay channel-kiisa youtube-ka ayaa yiri; “Arrintan aad bay niyad jab u tahay”.
“Runtii waxay faraha noo cuncunayeen inaan filimkaas u fasaxno caalamka. Laakiin xaaladdu waxay isu baddashay mid sida aan ku fakareynay ka weyn. Dunida oo dhan ayaa maanta xayiran, sidaas darteed waxay ila tahay daawasho filim waa laga muhiimsan yahay.”
Coronavirus kaliya ma uusan saameynin filimadii la sii deyn lahaa.
Atariishada lagu magacaabo Kangana Ranaut waxay duubeysay jilista filimkeeda cusub oo ay ka wadday gobolka ku yaalla koonfurta Hindiya ee Tamil Nadu, laakiin waxaa ku billowday amarka xayiraadda ah.
“Qorshuhu wuxuu ahaa inaan halkaas joogo 45 maalmood, balse nalooma oggolaanin inaan dad badan isku keenno. Duubistii ayaa la joojiyay anigana waxaan dib ugu soo laabtay Mumbai”, ayey tiri.
Atariisha lagu magacaabo Deepika Padukone waxay sheegtay inay “aad u nasiib badan tahay” sababtoo ah waxay qorsheyneysay inay u duusho waddanka Sri Lanka, si ay halkaas uga billowdo duubista filimkeeda cusub, maalmo yar ka hor inta aan xayiraadda la galin.
“Arrinta fiican waa in aannaan ka bixin Mumbai. Kuma aannaan xayirmin meel kale. Waxaan garanayaa dad badan oo filimadooda gabogabo u ahaayeen oo isaga soo cararay,” ayey tiri iyadoo la hadleysay wariye Rajeev Masand, oo dhawaan wareystay.
Jilayaasha ayaa dhammaantood ku wada sugan guryaha, waxayna shaqooyinkooda ku qabanayaan gacmahooda, maadaama aysan jirin shaqaale la oggolyahay inay guryahooda kasoo baxaan.