Dawladda Xamar Iyo Safiirka Maraykanka Ee Muqdisho Oo Lagu Eedeeyay Inay Ishortaageen Deeqaha Somaliland Caalamku Siiyo
April 16, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Michael Rubin oo ah khabiir Maraykan ah oo ka tirsan machadka American Enterprise Institute, ayaa dawladda Soomaaliya iyo safiirka Maraykanka ee Muqdisho danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay Somaliland u diidaan inay qaybteeda hesho deeqaha Soomaalida la siiyo.
Rubin, oo qormo uu qoray toddobaadkan ku baahiyay mareego kaal duwan, wuxuu ku eedeeyey dawladda Muqdisho iyo danjiraha Maraykanka inay deeqaha caalamku siiyo Soomaalida ay u diidaan inay Somaliland qaadato qaybteeda. Waxaanu Somaliland ku tilmaamay dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo dimuqraadiyadi ka jirtay tan iyo sannadkii 1991kii.