Muftiga Sucuudiga Oo Sheegay In Guryaha Lagu Tukanayo Taraawiixda Ramadaan Iyo Ciidda Covid-19 Awgii
April 18, 2020 - Written by Berbera Today
Makkah(Berberatoday.com)-Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa wargeyska Okaz ee Sacuudiga.
“Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yiri Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey.