Xukumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Jaadkii Laga Joojiyay Somaliland Cidii Soo Galisana Laga Gubi Doono Gaadiidkana Lagala Wareegi Doono
April 23, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Somaliland laga joojiyey keenista iyo ka ganacsiga Qaadka ilaa maalinta Salaasada ee taariikhdu tahay 21st May 2020 oo ku beegan labo cisho ka hor maalinta ciidda, iyadoo lagu xisaabtami doono xaaladda isbedel ee xanuunka COVID-19.