Xukuumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Cashuur Dhimis 20% Raashinka Iyo Agabka Caafimaadka.
April 24, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada maaliyada somaliland sacad cali shire ayaa shaacisay cashuur dhimis xukuumadu usamaynayso ganacsada soo dejisa alaabooyinka daruuriga ah
Wasiir sacad ayaa sheegay in boqolkiiba 20% laga dhimayo cuntooyinka sida daqiiqda, sonkorta, bariiska, baastada iyo agabka caafimaadk
Sidoo kale wasiirka maaliyada ayaa shaacisay dhowr sanduuq oo xukuumadu dhaqaale ku shubayso si dadka danyarta looga taakulooyo shacabka uu saameeyey covid19