Akhriso”Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi Uu Kula Wareegayo Qaybo Kamid Ah Dhulka Guriga Marxuum Madaxweyne Cigaal Ee Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Dagantahay
April 28, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa warqada u qoray 13 April 2020′ wasiirka Hawlaha guud isagoo tixraaxayaa warqada sumadeedu tahay HWG/DH&G/255/2030 oo ku taariikhaysnayd 01/042020, oo ahayd ayaamo kadib uun markii Kaltun X Daahir saxafaada ka sheegtay in Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi Dhulka ku haysto, warqadaas oo jawaab u ahayd warqad hore oo madaxweynuhu u diray wasiirka, isla Markaana uu kaga dalbaday inuu usoo gudbiyo fikir ka dhulka Kaltuun iyo macluumaad la xidhiidha. Warqadan oo ay heshay Shabakada Xogreebnews waxa uu Madaxweyne Muuse si colaad iyo gar ma qaate nimo ah uga fal celinaaya hadalkan Kaltuun Ayuu qoray warqada, Waxaanu ku sheegay qoraalkiisa inta gurigu uga dhisan yahay ee 4 qol ah ee ay degantay mooyee inta kale tahay hanti qaran.