Xukumada Somaliland Oo La Wareegtay Hutelkii Hargeysa Club Oo Dad Shacab Ah Gacanta Ugu Jiray
April 30, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo Hore Xukumadihii Daahir Rayaale Kaahin Iyo Axmed Siilanyo Sife ku meelgaadh ah usiiyeen Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Dhoolayare oo kamida Sulaadiin Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Habeenkii Xalay ayaa Ciidamo Boolis ahi la wareegeen Gacan ku haynta Hutelkaas iyaga oo dadkii joogayna ka dareeriyay.
Hutelkan ayay Xukumadii Dahir Rayaale Kaahin 5 shano oo ku meelgaadha usiisay Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale waxase heshiiskaas oo aan dhamaan heshiis kaloo 30 Sanadooda oo qeyrul sharciya Suldaanka Hutelkaas Ruqsaad ugu siisay Xukumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo siinta danbe ee Hutelka ayaa qeyrul sharci ka dhigaysa iyo in heshiiskaas laga noqdo Madamada oo aanu dhamaan Heshiiskii hore ee shanta sano ahaa asidoo kale Xukumadu waxayu awood uleedahay inay ka noqoto Heshiisyada ay gashay Xiligay doonto..