Cali Guray Oo U Jawaabay Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali Bile
May 2, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka dareen celiyay doodda agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bile ee ku aaddan muranka qoyska madaxweynaha iyo dadka shacabka ah ee dhinaca dhulka.
Agaasimaha oo shalay arrinta dhulka ee soo noqnoqotay wax laga waydiiyay ayaa dooddiisa ku saleeyay in loo baahan yahay in hay’adaha sharciga dhulka ku lug leh ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladda Hoose u garnaqaan madaxweynaha iyo shacabka.
Halkan ka daawo doodda agaasimaha madaxtooyad