berberatoday.com
Khabiir Ku Mashquulsanaa Helida Daawada Cudurkan Halista Badan Ee Caronavirus Oo Lagu Toogtay Mareykanka
May 8, 2020 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Dilka arxan darada ahaa ee loo geystay cilmi-baadhe ku dhashay Shiinaha oo hadda baadhitaan ku hayay corona fayras ee lagu toogtay Mareykanka, waxay ka dhashay fikrado ku saabsan shirqool sir ah inuu ahaa kuwaas oo daafaha caalamka ku baahay.

Bing Liu, oo 37 sano jir ahaa, wuxuu ahaa barfasoor wax ka dhiga Jaamacadda Pittsburgh, qeybteeda Caafimaadka, waxaana isagoo mayd ah laga helay gurigiisa, Sabtidii.

Saaxiibbadiisa waxay xaqiijiyeen “inuu si wayn ugu dhowaaday in uu wax badan ka ogaado fayraska Covid-19”, taas oo sababtay in dadka ay soo hadal qaadaan in la dilay.

Balse booliska waxay sheegayaan inuu ahaa is dilid.

Maxay tahay sababta uu u dhintay Liu?

Waxaa la helay isagoo mayd ah, waxayna xabad uga dhacday madaxa, qoorta iyo caloosha, wuxuuna dhexyaalay gurigiisa oo ku yaalla duleedka Pittsburgh, sida ay booliska sheegeen.

Qofka dilka geystay waxaa la sheegay inuu yahay 46 sano jir ah injineer dhanka software-ka ahaa oo lagu magacaabo Hao Gu. Maamulka waxay sheegayaan in dilkaas ka dib uu ninkaas isna is ku dhex dilay gaarigiisa.

Liu iyo Gu way is garanayeen, sida ay baarayaasha sheegeen.

Baarayaasha dhanka dembiga waxay sheegeen in “dilka uu yahay mid dhexmaray laba qof oo saaxiibbo ahaa”.

Waxay xaqiijiyeen in “caddeyn oo dhan aan loo hayn” in kiiska uu la xiriiro shaqada cilmi-baaris ee dawada corona iyo dhbaatada hadda jirta ee uu hayay Liu.

Kumuu ahaa Liu?

War qoraal ah oo ay soo saareen saaxiibbadii ee shaqa wadaagga ahaayeen, waxay ku tilmaameen Liu inuu ahaa cilmi-baare aad u aqoon badan kaas “oo ku dhowaaday inuu arrimo wax ku ool ah ka ogaado fayraska” oo ku saabsan fahamka la xiriira caabuqa Covid-19.

Waxay ka murugeysan yihiin geerida Liu, waxayna ballanqaadeen in ay dhameystiri doonaan baaritaankiisa “si bog muhiim ah loo siiyo baaritaankiisa seyniska ee muhiimka ah”.

Liu, oo Shiinaha ka soo jeeday, Wuxuu shahaadadiisa koobaad ee jaamacadda iyo PhD ka qaatay jaamacad ku taalla Singapore, ka dib ayuu u wareegay Mareykanka oo baaritaanno uu ka sameynayay.

Sida ku xusan Taariikhdiisa Shaqo, wuxuu la shaqeynayay dhakhaatiirta bayoolojiga iyo baarayaal kale si uu wax uga ogaado habka difaaca jirka aadanaha.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews