Cabsida Covid_19 Wax Ma Ka Beddeli Kartaa Wakhtigii La Qaadi Jiray Imtixaannaadka Dugsiga Dalka ?
May 8, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne) ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey inay wax iska beddeleen Wakhtigii la qaadi jiray Imtixaanaadka Qaranka, maaddaama oo Cabsida Xanuunka Covid_19 awgeed loo fasaxay Ardayda.
Daa’uud Axmed Faarax wuxuu sheegay in Qorshahoodu ahaa in Imtixaanaadka Dugsiga Dalka la qaado badhtamaha bisha June, balse illaa hadda aan Qaran ahaan go’aan laga gaadhin in dib loo dhigayo Imtixaanaadka dugsiga Dalka iyo in kale.