Turkiga Oo Si Kulul Ugu Hanjabey Jeneral Khalifa Haftar
May 12, 2020 - Written by Berbera Today
Libya(Berberatoday.com)-Turkey ayaa Axaddii sheegtay inay ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ka dhigan doonto “bartilmaameed sharci ah”, haddii ay sii socdaan “weerarada ka dhanka ah” danaheeda iyo howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Libya.
Turkey ayaa waxay taageertaa dowladda caalamka u aqoonsan yahay Libya, waxayna la gashay heshiis wada-shaqeyn militari ah, xilli xukuumadda Tripoli ay isku dayeyso inay iska caabiso weerarada kaga imanaya maleeshiyada Haftar.