Xukumada Somaliland Oo Ruqsadii Kala Noqotay Xarun Dawo Dhaqameed Iyo Sababta?
May 13, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland oo ruqsadii ay kaga hawl galayeen Somaliland kala noqotay Dr Cabdirisaaq oo ah maamulaha xarunta FORMULA 10 oo ah xarun lagu iibiyo dawo dhaqameedka .
Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in maamulaha xaruntaasi uu shacabka dhex galiyay shaki .
Maamulaha xaruntaasi oo warbaahinta lahadlay maalinimadii shalay ayaa sheegay in aan lagu kalsoonana karin mishiinka xukuumaddu ku baadhayso xanuunka COVID-19.
Waxaa intaa aagsimuhu kusii daray in marka horeba shaki weyn kaga jiray waxaa uu ka ganacsanayo , oo aan ahayn wax dunidu caafimaadkooda isku raacsan tahay .