Wefti Wasiiro Ah Oo Ka Socda Dawladda Xamar Oo Buuhoodle Gaadhsiiyey Daawooyin Iyo Agab Kaloo Caafimaad
May 18, 2020 - Written by Berbera Today
Buuhoodle(Berberatoday.com)-Wefti ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Bidhaan, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Buuhoodle.
Wasiir Bidhaan, iyo weftiga la socda ayaa Buuhoodle soo gaadhsiiyay Daawooyin iyo Agab kale oo Caafimaad.
Wasiirka Kalluumaysiga oo hadlay ayaa sheegay in Buuhoodle ay u yimaadeen si ay ula socdaan xaaladda Caafimaad ee magaalada.