“Dee Malaha Nuux Taani Laftiisa In Madaxwaynuhu Uu Bilad Geesi Siiyo Ayay Ahayd”Mujaahid Cali Guray. “
May 19, 2020 - Written by Berbera Today
“Hadii Halgankii Bilad Geesi la Isku Siinayo, Kow Waxa Yeelan Lahaa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) laba Ibrahim Koodbuur.Kuwa Nool Horta Qabo Ibrahim DHEGAWAYNE”Muj Cali Guray.
BILAD GEESIDII KOOWAAD
Dee Malaha Nuux Taani Laftiisa In Madaxwaynuhu Uu Bilad Geesi Siiyo Ayay Ahayd. Allah Maxaan aqaan geesi la soo jiifay halgankii tan iyo 1982kii. Rujiye wuxu ahaa Taangiiste wanaagsan oo ay ku dhaadan jirtay Guutadii 50aad ee Gaaska labaad. SNM wuxu ku soo biiray ka dib hawlgalkii 1988 ay gudaha magaalooyinka Burco iyo Hargeysa iyo weliba Cadaadlay weerarka ku qaadeen, markii Gt 50aad laga Cabaaday fadhiisimadeedii ee Magaalada iyo dusheeda (Xidhka Maydka) la isugu geeyay.