Pakistan Iyo Somaliland Oo Maxaabiis Labada Dal Ku Kala Xidhnaa Is-weydaarsaday
May 25, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(aftahannews):- Dowladaha Somaliland iyo Pakistan, ayaa is-dhaafsaday Muwaaddiniin u kala dhashay labada waddan oo ku kala xidhnaa labada dal, iyadoo diyaarad gaar ahi Maxaabiista reer Pakistan ay ka qaadday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib markii ay halkaas ka soo dejisay Muwaaddiniin reer Somaliland ah
100 ka mid ah Culimada Tabliiqiga oo muddo dhawr bilood ah ku xannibnaa gudaha Somaliland kaddib markii ay xukuumaddu xayiraad saartay duullimaadyada diyaaradaha sababo la xidhiidha cabsida laga qabo fiditaanka Caabuqa Coronavirus, ayaa diyaarad gaar ah oo dowladdoodu u soo dirtay ka raacay garoonka Hargeysa, waxaana daad-guraynta dadkan iska kaashaday xukuumadaha Somaliland iyo Pakistan.