“Qalabkii La Inoogu Deeqay Ee COVID -19 Suuqaa Lagu Iibinayaa..”Sheekh Shariif Sheekh Axmed
May 25, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xanuunka COVID-19, isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sameeyaan taxa-dar iyo feejignaan xooggan oo ay isaga ilaalinayaan Coronavirus.
Sheekh Shariif, waxa uu sidoo kale ka hadlay deeqaha caafimaad oo ay dowladdu ka heshay waddamada dibedda si looga hortago faafidda Coronavirus iyo kuwa lagula tacaalo dadka uu soo rito intaba, isla markana waxa uu tilmaamay in la musuqay oo la arkay iyagoo agabkaas oo Suuqa lagu iibinayo.