Siyaasi Cali Guray Oo Jawaab Ka bixiyay Hadalkii faysal, Sheegayna In Aanu Cid Ka Sheegan Karin Somaliland.
May 30, 2020 - Written by Berbera Today
Horta Somaliland waa muruqii laba suul ee la yidhi ninba waa ku si. Hadda ogaada haday Faysal si ku tahay anigana si kalaabay ugu tahay oo aan ahayn sida ay Faysal ku tahaye. Xagayga Faysal iyo Axmed Karaash waa laba muwaadin oo xaq ahaan u siman Somaliland waa marka dastuurka Somaliland loo noqdo eh. Baashe barlamanka Somaliland labadiisa aqal ee muddo xileedyadoodii quufla ay dhamaadeen hadana iskaga sii fadhiya kuraasida oo tiro ahaan dhan 164 xubnood ayuun buu isaguna mid ka yahay. Haduu Faysal Baashe sheegay oo Gudoomiyaha Wakiilada ah Saleebaan oo Gudoomiyaha Guurtida ahna waayo? Isaga ayaaba weli hor fadhiya gole markii ugu dambaysay Shirbeeleed lagu doortay 1997kii eh. Sharcigu wuxu dhigayay in doorashada guurtidu ay sanad ka dambayso doorashada wakiiladii iyaga lala doortay wakhtigaasi. Wakiilada waxa la doortay 2005fii guurtidu waxay markaa ahayd inay sanad ka dambayso oo la doorto 2006. Lama dooran sharcigiina waa lagu tuntay oo waxa sharci looga dhigay wakiiladii doorashada tooska ahayd ku yimi in la yidhaa sanad bay ka dambaynayaan waana sharci darro. Markaa waa gef iyo eex hadii la doono qabyaaladaysan waxa uu labada gudoomiye midna u dhaleeceeyo midna aanu u soo qaadin.