Madaxwaynihii Hore Ee Maamul Goboleedka Gal-mudug Oo Casuumad Balaadhan Loogu Sameeyay Duleedka Magaalada Hargaysa.
June 5, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ‘Xaaf’ ee dhawaan xilka maamul goboleedka galmudug wareejiyay oo maalmihii udanbeeyay ku suganaa caasimada Somaliland ee hargaysa ayaa casuumad soo dhawayn ah loogu sameeyay duleedka koonfureed ee magaalada hargaysa kaasi oo si gobonimo leh loogu marti sooray duleedka caasimadda Hargeysa.
