Siyaasi C/Kariin Xuseen Guuleed Oo Ku Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed, Kana Mid Noqonaya Kuwa Somaliya
June 7, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Siyaasiga C/kariin Xuseen Guuleed oo horay u soo noqday Wasiir iyo Madaxweyne Maamul goboleed ayaa ku dhawaaqay Xisbi siyaasadeed cusub ee oo sameeyay, kaasoo uu Guddoomiye ka yahay.
Xisbigan ayaa la magac baxay SAHAN, waxaana la filaya inuu ka mid noqdo axsaabta siyaasadda ee dalka marka la diiwaan geliyo, lana siiyo shahaadada kumeel gaarka ah.