Xukuumadda Oo Ka Hadashay Waxyaabaha Hoos U Dhigaya Horumarka Adeegyada Bulshada Ee Gobollada Bariga
June 7, 2020 - Written by Berbera Today
Ceel Af-weyn(Berberatoday.com)-Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb-galay Munaasibad lagu soo dhaweeyay Jabhad la baxday ‘Xaq-doon’, kuwaasi oo dhawaan sheegay inay ka goosanayaan Somaliland, balse arrinkoodii waan-waan lagu soo afjaray.
Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo hadallo ka jeediyey Munaasibadda lagu shaaciyey in la soo afjaray Jabhaddii la baxday ‘Xaq-doon’ ayaa si isku mid ah u sheegay in dhibaatada Horumar la’aaneed ee ka jirta Gobollada barigu tahay mid ka dhalatay amniga deegaannadaasi oo aan la isku hallayn karin, maaddaama oo had iyo jeer Dawladdu ku mashquulsan tahay walaalaynta Beelaha dagaalama, taasna uu kharash ka badan kii Horumarka deegaannadaa lagaga shaqayn lahaa uu Dawladda kaga baxo.