berberatoday.com
Dab Ka Kacay Deegaanka Afcad Oo Katirsan Degmada Bulaxaar Oo Baabi,iyay Deegaankii Iyo Gurmad La,aan Laga Soo Sheegayo Xukumada
June 12, 2020 - Written by Berbera Today

Buluxaar(Berberatoday.com)-Dabkan oo sababay inay dhirtii geed gaab iyo geed dheeriba gubto ayaa waxa uu ka kacay deegaanka Afcade oo Masaafo 50KM ah ujira Degmada Buluxaar ee Gobolka Saaxil kagana beegan Galbeed Oogo, dabkan oo gubay dhirtii iyo Cawskii deegaankaas ayaa waxa sababtiisa lala xidhiidhiyay inuu lahaa nin waalan oo dab qabadsiiyay Cawska xooluhu daaqaan oo Deegaankaas oo barwaaqo ah si xooga uga baxay sida uu khadka Tilifoonka ugu sheegay Berberatoday Gudoomiyaha Degmada Buluxaar Ismaaciil Xasan Maxamed aanu la xidhiidhnay.

Gudoomiyaha Degmada Buluxaar Ismaaciil Xasan Maxamed waxa kaloo uu sheegay in dabkaasi ilaa hada uu fidiyo wax awooda ay ku bakhtiiyaana aanay haynin Xaga Xukumada Gobolada Saaxil iyo Maroodijeex toona aanay wax guramada helin isaga oo sheegay Gudoomiyuhu dabku inuu ilaa xalay fidaayay deegaan badan oo  isugu jira Caws iyo dhir damalana baabi,iyay waxase uu Gudoomiyuhu sheegay inaanay jirin wax khasaare Nafeed iyo duunyo oo ku baxay Dabkaas dadkii deegaankaasi daganaana ay ka qaxeen markay arkeen dabka fidiya.

Mar aanu wax ka weydiinay Gudoomiyaha inay Xukumada sare la xidhiidheen oo gurmad weydiisteen waxa uu sheegay in Mdaxweynaha iyo Kuxigeenkiisu ogyihiin oo la hadleen Taliyaha Guud ee Ciidamada Dabdamiska isaguna uu sheegay inaanay gaadiidka uu haystaa dhulka bacaadka ah ee xeebaha ah gaadhayn sidoo kale ciidamadii dabdamisku fasax ku kala maqan yihiin xanuunka Caronaha awgiina loo kala fasaxay Waxaana sidaas inuu ku yidhina noo sheegay Gudoomiyaha Degmada Buluxaar Ismaaciil Xasan Maxamed oo la xidhiidha Taliyaha Ciidamada dabdamiska,

 

Ugu Danbeyntii Gudoomiyaha Degmada Buluxaar Ismaaciil Xasan Maxamed Waxa uu sheegay inay wax gurmada Rajo ka qabaan Shirkada Ganacsiga SOMCABLE Oo Hal Cagaf uga soo diraysa Magaalada Hargeysa Taasi oo la filayo inay Galabta soo gaadho deegaanka dabku kacay Waxaanu sheegay in Hadii ay cagaftaas helaan dabka ay kala goyn karaa dhirta uu isaga gudbayo oo laka moosayo oo afarta dhinac laga jari doono.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews