Siyaasi Cali Guray Oo Madaxwayne Biixi Kula Taliyay In Uu Faraha Ka Qaado Muranka Dhulka Ay Dadka Danyarta Ahi Degan Yihiin Oo Uu Isagu Ku Ceebaysan Yahay.
June 13, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “cali guray” oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka hadla hadba xaaladaha ka taagan dalka ayaa ka hadlay dhulka lagu muransan yahay ee buurta kala jeexaan oo maanta ciidanka boolisku shaqaaqo ka dhacay ku dhaawaceen laba qof kaasi khilaafkiisu uu udhexeeyo qoyska madaxwaynaha Somaliland iyo dadkan masaakiinta ee meesha degan ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in uu muranka dhulkaasi faraha ka qaado maadama uu awoodii dalka haysto bulshaduna u arkayaan in dadka degan uu awood dawladeed udeegsanayo oo isagu ku ceebaysan yahay.