Xildhibaanad Ilhan Cumar Oo Aabeheed Minessota Ku Geeriyooday
June 16, 2020 - Written by Berbera Today
Minesota(Berberatoday.com)-Allaha u naxariistee Nuur Cumar Maxamed oo ah xildhibaan Ilhaan Cumar aabaheed, ayaa ahaa nin muddo dheer soo shaqeeyay oo dadkii yaqaannay ay ku tilmaameen inuu ahaa nin farxaan ah oo dadku ay jecelyihiin.
Warka geerida aabaheed ayey Ilhaan Cumar soo dhigtay baraheeda bulshada ee Facebook-ga iyo Twitterka. Halkaas oo farriin kooban oo af-ingiriisi ah ay ku xaqiijisay in dunida uu ka tegay aabaheed.
Farriinta Ilhaan ayaa waxa ay u qorneyd sidatan “Innaa Lilaahi Wa innaa Ilayhi raajicuun. Dhab ahaantii Allaah ayaa na abuuray isagaana u laabanaynaa. Waa murugo iyo xanuun wayn inaan aabahay Nuur Cumar Maxamed sagootiyay. Ma jiraan kalmado aan ku qeexi karo waxa uu ii ahaa iyo waxa uu u ahaa dhammaan dadkii yaqaanay ee jeclaa.”