“Trump waxa uu caawinaad weydiistay madaxweynaha ShiinahaJ” ohn Bolton
June 18, 2020 - Written by Berbera Today
Washiton(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka codsaday dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, inuu ka caawiyo dib-u-doorashadiisa, sida ku xusan buug uu qoray lataliyihiisii hore ee ammaanka qaranka, John Bolton.
Bolton oo faahfaahin ka bixinayay buugga oo lagu wado inuu dhawaan soo baxo, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu doonayay in Shiinaha uu dalaga beeraha ka iibsado beeraleyda Maraykanka.