Markab Xoolo Ka Qaaday Dekeda Berbera Oo Laga Soo Celiyay Dekeda Jeddah Iyo Sababta?
June 18, 2020 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Markabka oo Magaciisu Yahay M/v Banyas oo qaaday xoolo dhan 15980 Neef oo Adhi ah Iyo 543 Geela ayaa habeenkii xalay ahaa dib ugasoo shiraaqday Dekada Jiddah ee Dalka Sucuudi Carabiya Kadib markii lagu amray inuu xoolo ku celiyo halkuu kasoo qaaday oo ah Dekeda Berbera.
Markabkan ayaa ka baxay Dekada Berbera 12/6/2020 Ilaa iminkana lama oga sababta xoolahan loo dejin waayay ee loosoo celiyay maadama siwanaagsan loosii baadhay caafimaadkooda.