Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide Oo Socdaal Kutagay Muqdisho IOyo Ujeedada Socdaalkiisa
June 20, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa shalay booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, sida ay maanta ku warantay dowladda Itoobiya.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in wasiirka uu siday deeq daawo ah oo dowladda Itoobiya ugu tala gashay ka hortagga cudurka Coronavirus ee Soomaaliya.
Axmed Shide ayaa sidoo kale intii uu joogay Muqdisho la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ku qaabilay madaxtooyada, waxaana la sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, hindisaha is dhex galka Geeska Afrika, isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo heshiiska wadajirka ah ee Iskaashiga Amniga labada dal.