Waddamada Islaamku Ma Uga Falceliyeen Sidii Ku Habooneyd Covid-19? Qallinkii: Cabdifataax Shaafi
June 22, 2020 - Written by Berbera Today
Sidda aynnu la wadda socono, waxaa adduunyadda aafeeyey xanuunka saf-mareenka ah. Kaas oo galaaftay dadyow badan oo dunnida ku noolaa.

Haddaba waxaan is-weyddiin doona dhowar su’aalood oo ku waajahan waddamada Islaamka ah iyo sida ay uga jawaabeen xannuunka, taas oo dad baddanni is-weyddiinayaan unna baahan in hoos loo eeggo si wax looga korodhsado ama loogu qaato. Waxay diinteennu bayaamisay culimadeenuna si waafiya innoogu sharraxeen in mar walba oo ILLAAHAY laga fogaado oo ay bataan macaasida noocyaddeeda kala duwanni uu ILAAHAY ciqaabo addoomihiisa kuna ibtileeyo baallaayooyin, sida Xannuuno aan hore loo aqoonin oo tiro badan Duufaanno, Dhul-gariiro iyo waxyaale kale oo badan. si dadku ay u soo noqdaan unna xasuustaan awoodaha Alle.