Wasiirka Tamarta Somaliland Oo Shirkadaha Laydhka Amray Inay Qiimaha Ka Jebiyaan Bulshada
June 24, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, ayaa ugu baaqay Shirkadaha adeegga Laydhka bixiyaa inay Bulshada u jebiyaan qiimaha ay ka qaadaan, maaddaama oo uu qiimaha Shiidaalku jabay, isla markaana dhaqaalaha Dunida oo idil saamayn ku yeesheen xayiraadaha ka dhashay xannuunka COVID-19.
Wasiirka Tamartu qoraal uu soo saaray maanta, ayuu ku sheegay in qiimaha Shidaalku uu gaadhay qiime aad u hooseeya, isla markaana ay jiraan qoysas badan oo aan awoodin in ay bixiyaan qiimaha Laydhka ee shirkadduhu ku dalacaan. Sidaa awgeed loo baahanyahay in ay shirkaddaha uu ku xusay qoraalka jebiyaan qiimaha oo ay fuliyaan amarka Wasaaradda.