War Deg Deg Ah”Xaruntii Telefishanka Universal Ee Hargeysa Oo Ciidamo Boolis Ahi La Waregeen Hadda
June 27, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Telefishanka Universal xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayey ciidamo la wareegen hadda Tafaftiraha Telefishanka ee Somaliland Cabdirashiid Cabdiwahab ayaa xaqiijiyey dhacadadan Xarunta lagula wareegay balse waxa uu sheegay inaanay ilaa hada aqoonsan sababta ka danbeysa xadhiga Tvgan Madaxa banaan.
Waa Tvg labaad ee muddo sadex cisho gudahood ah ay Xukumaada Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hogaamiyaa la wareegto Ciidamo Tira badan dul dhigtay waxaanay Bishan June 24keedii Ciidamo Boolis ahi La Wareegeen alabaabadana uxidheen xaruntii Guud ee Telefishanka Madaxa Banaan ee Star iyada oo aan Ilaa hada la garanayn sababaha tvyada loola wareegay Masuuliyiintoodana aan loo sheegin.