Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Profesor Cali Khaliif Galaydh Oo Kulmay Iyo Waxa Ay Kawada Hadleen?
June 30, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaabilay Prof. Cali Khaliif Galaydh, hoggaamiyaha Khaatumo.
Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee ay yeeshaan Muuse Biixi Cabdi inta loo doortay Madaxweynaha Somaliland iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa lagaga wada-hadlay Arrimo kala duwan, sida ay ilo-wareedyo Xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Geeska Afrika.
Hoggaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa 2017-kii Magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).