Qareenno Jebiyey Xukun Dawladda Somaliland Maxkamadaha Dhex-marisay
July 1, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubno Qareenno, ayaa sheegay in ay Maxkamadda Rafcaanka Somaliland jebisay xukun Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa hore ugu ridday Dad iyo gaadiid lagu qabtay Jaad Sharci-darro ah oo dalka la soo geliyey markii ay xukuumaddu hakisay jaadka si loo xakameeyo fiditaanka cudurka Corona Virus.
Maxkamadda Gobolka ayaa xukunta in guud ahaanba gaadiidka lagu qabtay Jaadka dawladdu la wareegto, sidoo kalena dadkii watay ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhowr Milyan oo Shillin ah.
Hase yeeshee Qareennada difaacayey Dadka iyo Hantida la xukumay, ayaa maanta warbaahinta u sheegay in Maxkamadda Rafcaanku xukunkaasi mid ka duwan soo saartay,” Maxkamadda rafcaanku waxa ay soo saartay in guud ahaan gaadiidka loo celiyo dadkii lahaa”ayuu yidhi mid kamida qareenada oo warbaahinta la hadlay.
Faahfaahinta Qaraneennada dooddoodu hirgeshay, go’aanka dambe iyo Dadka Qaadka loo xidhay sida qaar xaalkoodu yahay, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon