Dagaal Rasaas Laysu Adeegsaday Oo Laba Beelood Ku Dhexmaray Deegaanka Beeyo Macaan Ee Bariga Gobolka Saaxil Iyo Khasaaraha KLa Dhashay
July 3, 2020 - Written by Berbera Today
Beeyo Macaan(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Beeyo Macaan ee Gobolka Saaxil ayaa sheegaya inay jiraan tiro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaadhay labadii beelood ee shalay shaqaaqadu ka dhaxaysay,wararka ayaa intaas ku daraya in saaka iska hor imaad xoogani ka dhacay kaasoo sababay in dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadho beelahaas walala a ah ee halkaasi ku dagaalamaya.
Dagaalka Labada beelood ayaa salka kuhaya deegaamaysi cusub oo labad beelood mid kamidi halkaas ka samaysay iyada oo beesha kalena ku doodaysa in dhulkaasi yahay dhul daaqsimeed xooluhu ku foofaan wax deegaamaysi ama magaalayn ahna aan laga samayn karin waana sida ay sheegayaan warar xogogaal ah oo halkaasi naga soo gaadhayaaa sidoo kalena waxa jira aanooyin qabiil oo ka dhashay dagaalo hore labada beelood halkaas ugu dhexmaray.
goob jooge ku sugan Deegaankas Beeyo macaan oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay in dhimashada uu sadeex ruux indhihiisa ku arkay halka dhswaacuna intaas ka badanyahay.