berberatoday.com
Ra’iisul-wasaare Abiy: “Waxaannu Fashilinnay Shirqool Lagu Kicin Lahaa Dagaallo Sokeeye Oo Itoobiya..”
July 4, 2020 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’iisul-wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa maanta sheegay in rabshadaha dalka ka dhacay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ahaayeen isku day lagu doonayo in lagu kiciyo dagaallo sokeeye, balse hadda la fashiliyey.

RA'IISAL-WASAARAHA ITOOBIYA ABIY AHMED 2020

RA’IISAL-WASAARAHA ITOOBIYA ABIY AHMED 2020

Abiy ayaa ka hadlayey kulan uu magaalada Addis-Ababa kula qaatay saraakiisha sarsare ee rayidka iyo saraakiisha ciidamad, sida uu sheegay telefishanka dawladda ee ETV.

Telefishanka Ethiopia. ayaa wariyey in “87 qof, oo ay ku jiraan afar sarkaal oo bolis, ay naftooda ku waayeen rabshadaha”, sida laga soo xigtay taliyaha bilayska gobolka Oromia.

Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu sheegay in abaabulayaasha rabshadaha la qabtay, isaga oo taas uga mahad celiyay ciidamada ammaanka. Rabshadaha ayaa ka billowday dalka ku yaalla Geeska Afrika Talaadadii, kadib dhimashadii heesaa iyo u dhaqaaqe bulsho Hachalu Hundessa.

Hundessa, oo 36 jir ahaa, ayaa waxaa magaalada Addis-Ababa ku toogtay dabley aan la garanaynin. Fannaanka caanka ahaa ayaa Khamiista lagu aasay gurigiisa oo ku yaal magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (62 mayl) Galbeedka ka xigta Addis Ababa.

Hundessa wuxuu ahaa nin caan ka ahaa mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dawladda ee socday saddex sano kahor inta aanu xukunka iman Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada. Intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii horseeday inay dhacdo dowladdii hore 2018, wuxuu noqday codka dadka Oromada.

Dhanka kale, Golaha Warbaahinta ee Itoobiya ayaa maanta soo saaray digniin ka dhan ah warbaahinta mucaaradka, iyagoo ku eedeeyay inay kicinayaan rabshado qowmiyadeed. Agaasimaha guddiga Getachew Denku ayaa ugu baaqay xarumaha ay mucaaradka maamulaan ee Tigray Media House, Oromo Media Network, iyo Demtseweyane “inay joojiyaan kicinta rabshadaha qowmiyadeed oo aysan dalka khalkhal gelin.” Xarumahan ayaa loo diray warqad loogu digayo in la xiri doono

Adeegga Internetka, ayaa wali ka xidhan meelo badan oo ka mid ah Dalka Ethiopia, tan iyo Salaasadii toddobaadka dhammaaday, iyadoo meelaha aanu khadka internet-ku ka shaqaynaynini u badan yihiin deegaannada Oromada Itoobiya.

Xigasho VOASomali.com.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews