Nuxurka Heshiis Somaliland La Gashay Dowladaha Netherland, Denmark Iyo Britain
July 6, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wajiga Labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2), ayaa Dalalka Britain, Denmark iyo Netherlands waxay oggolaadeen afar heshiis oo ay la galeen Somaliland, si loo wanaajiyo kaabayaasha muhiimka ah ee lagu taageerayo kobcinta dhaqaalaha.
War-saxaafadeed qoraal ah oo ay darafyada heshiisku dhex-maray soo saareen Axaddii maanta, ayaa lagu sheegay in heshiisyadan cusub lagu taageerayo mashaariicda Waddooyinka, Beeraha, nidaamyada Biyaha iyo Kalluumeysiga, ayaa dardar-gelin doona koboc dhaqaale oo anfacaya gobolka iyo gacan ka geysashada sidii loo heli lahaa deganaansho, nabad iyo u adkeysiga abaaraha.