Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Fadhiisimo Cusub Ka Samaystay Deegaano Katirsan Gobolka Sanaag.
July 9, 2020 - Written by Berbera Today
Sanaag(Berberatoday.com)-Sareeye Guuto Muuse Jaamac oo ah Taliyaha ciidanka Soomaaliland ee gobolka Sanaag ayaa xadhigga ka jaray saldhig cusub oo ciidanka Somaliland Ay ka sameysteen deegaanka Baraagaha Qol ee gobalka Sanaag, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay oo kormeerayay xeryaha ciidanka Somaliland ee gobolka.
