Shir lagaga Hadlayo Kor U Qaadida Awooda Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Socda Nairobi
May 31, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubno ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa ka qayb galay shir lagaga hadlayo sidii kor loogu qaadi lahaa awooda wacyi galineed ee dhinaca amniga oo ka dhacay magaalada Nairobi.
Xildhibaanada ka tirsan guurtida iyo wakiilada oo uu horkacayo guddoomiyaha golaha wakiilada iyo guddoomiye ku xigeenka Guurtidu waxaa ay la shirayaan madaxda qaramada midoobay ee ku sugan Kenya.
Shirka waxaa lagaga wada hadlayaa sidii qaramada midoobay baarlamaanka Somaliland u siin lahayd tababaro kor loogu qaadayo wacyigalinta dhinaca Amniga ee baarlamaanka, tayaynta shaqaalaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awooda baarlamaanka Somaliland.