Dayaca Xukuumada Ee Gobolada Beriga Somaliland Iyo Dhawaaqa Xildhibaanada kasoo jeeda goboladaas
May 31, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mida xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa cadeeyay in xukuumada Somaliland ay ka gaabisay horumarka, wax u qabashada gobolada beriga Somaliland.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in markii xukuumada Somaliland goboladaasi waxba u qaban wayday, qaar ka mid ah laga dhex taagay calanka Somaliya.
“xukuumada maanta talada haysa ayaa ku fashilantay oo dayacday, xilkeediina kasoo bixi wayday taas maahee tu ka wayn ayaa iman doonta”ayey tidhi Xildhibaan Baar Siciid
Xildhibaanadu waxaa kale oo ay ka jawaabeen hadalo kasoo yeedhay Siyaasi Cali Khaliif Galeydh kaasi oo bulshada gobolada Sool iyo Sanaag ugu baaqay inay la dagaalamaan Somaliland oo ay mudo dhaw qabsan doonaan goboladaasi.