Somaliland oo Joojisay Keenista, Ka Ganacsiga iyo Isticmaalka Tubaako Khatar Ku ah Caafimaadka
July 16, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa joojisay keenista, ka ganacsiga iyo isticmaalka Tubaakada Lift oo bilihii ugu dambeeyey Dalka aad loo soo geliyey, isla markaana si lacag la’aan ah la doonayey in Dadka lagu baro oo Suuqyada magaalooyinka hadyad ahaan loogu qaybinayey, aadna Culimada, Siyaasiyiinta iyo Qaybaha Bulshaduba uga qayliyeen.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo wasaaraddiisu oggolaanshaha marka hore siisay Shirkadda dalka keentay Tubaakada, ayaa sheegay inay dalka ka joojiyeen keenista, ka ganacsiga iyo isticmaalka Tubaakadaas oo ka mid ah maandooriyeyaasha sababa xanuunka Kansarka.