Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Fariin Culus U Diray Shacabka dalkiisa Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay
July 18, 2020 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan dadka shaqada ka dhigtay dhiigga shacabka masaakiinta ah iney dalka Itoobiya ku daadiyaan.
Dr Abiy Axmed ayaa warmurtiyeed qoraal ah uu la wadaagay warbaahinta dalka Itoobiya ku sheegay in dowladda waajibkeeda si ay u gudato loo baahan yahay shacabku inay dowladdu ku garab istaagaan dadaallada ay waddo.
Haddii aan dooneyno inaan dalkeenna gaarsiinno horumarka aan rabno inaan tiigsanno waxaa loo baahan yahay inaan iska tuurno isla-markaana ka xorowno dhaqankii noocaasi ahaa ee marweliba dhibaatada noo horseeda”, ayuu yiri Aby Axmed
Xaaladda ugu dambeysay ee dalka Itoobiya
Afhayeenka xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya Billane Siyuum oo shir jaraa’id qabatay waxay sheegtay in adeegga Interneetka toddobaadka soo socda la sii deyn doono maadaamaa ay xaaladda dalka ka soo reyneyso.