Muhaajiriin Soomaali Ku Jirto Oo Lagu Qabtay Xeebaha Dalka Ingiriiska
July 18, 2020 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Ciidamada ilaalada xeebaha ee Ingiriiska ayaa shaaciyay iney qabto tiro dad ah oo ay ku jiraan Soomaali kuwaas oo si sharci darro ah kusoo galayay gudaha UK, gaar ahaan xeebta Kent.
Wargeyska Kent Online ayaa wariyay in dad badan oo u kala dhashay wadamo dhaca qaaradaha Asia iyo Africa oo saarnaa lix doonyood oo kala duwan ay soo gaareen xeebta Kent, wadamada ay kasoo jeedaan waxaa lagu kala sheegay Yemen, Iran iyo Masar.