Xidhiidhka Somaliland Iyo Masar Oo La Saadaalinayo Inuu Horseedo Inay Somaliland Xubin Ka Noqoto Hay’a’dda Caalamiga Ah Caafimaadka Adduunka.
July 21, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xidhiidhka Cusub Ee u Bilawday Somaliland Iyo Masar ayaa l a sheegay inuu horseedayo inay dawladda Somaliland xubin ka noqoto hay’adda Caalamiga ah ee Caafimaadka Adduunka u qaabilsan ee la y idhaahdo WHO.

SIda Uu sheegay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debada ee Somaliland Liibaan YUusuf Cismaan, dawladda Masar waxa ay qayb ka noqonaysaa ololaha ay Aqoonsiga ku doonayso Somaliland. “Masar waxay door muuqda ka qaadan kartaa aqoonsiga Somaliland, maadaama oo ay xubin miisaan leh ka tahay Afrika iyo dunida Carabtaba taasi oo dabada ka riixi karta in dalalka Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabtuba aqoonsadaan Somaliland” ayuu yidhi Liibaan.