Jabuuti Oo Ka Hadashay Dib Ubilaabista Wadahadallada Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Soomaaliya
July 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay diyaarinta saaxadii lagu geli lahaa wadaxaajoodyo lagu guulaysto oo ay yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Sidaasna waxa xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ay soo xigatay qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka, oo uu kaga hadlay Dib u bilaabista Guddiyadii farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu tilmaamay in dalkiisu ku foogan yahay diyaarinta saaxadii ay ku qabsoomi lahaayeen wadahadal taabogal ahi.