Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay In Safarka Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Ku Tagay Dalka Turkiga Aan Wax Guul Ah Laga Filayn. “
August 3, 2020 - Written by admin
“GEED WALBA IN GUBTAA WAY HOOS TAAL”
Weger! Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland wuxu u baxay dalka Turkiga lakiin wax guul ah kalama soo noqon doono sida ay u muuqato waayo marka ay tahay qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland Turkiga warkiisu wuu cad yahay oo si toos ah ayuu uga soo horjeedaa. Bal qabsoo waxay uga dhigan tahay gooni-isu-taaga Kurdiyiin uu ogolaaday. Taana waa la og yahay halka uu ka joogo. Hadiise sidii uu yidhi Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Somalia uu jiro debec laga arkay dhinaca Somaliland iyo rejo laga qabi karo isku soo noqosho Somaliland iyo Somalia markaa haa Turkigu waa sidii uu doonayay waxna waa laga wada hadli karaa. Hadii kale mawqifka Turkiga horena waynu u ogayn haddana waynu ognahay oo wadahadalada Somaliland iyo Somaliya dhex kama aha kamana noqon karo ee waa dhinac. Dalka Turkigu saldhiga ugu wayn ee milatari ee ka baxsan dalkiisu waa ka uu ku leeyahay Muqdisho isaga iyo dalka Qadar oo ay isku xulafo ama xulafo labadooda oo keliya ah isku yihiin ayaa saamaynta ugu wayn ku leh arimaha Somalia oo dhan xataa siyaasadda gudaha iyo dibaddaba.