Cabdikariin Axmed Mooge Oo Ku Dhawaaqay Inuu Utaganyahay Mid Noqoshada Xubnaha Golaha Deegaanka Hargeysa
August 3, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdikariin Axmed Mooge oo kamid dhalinyarada firfircoon ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu utaganyahay kamid noqonahasha xubnaha golaha Deegaanka Hargeysa waxaanu qoraal uu barta Facebooka soo dhigay ku yidhi sidan hoos ku qoran”
“Waxaan maanta si rasmiya ugu dhawaaqayaa in aan isu sharaxi doono Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa. musharaxnimadaydu waxay u taagan tahay Midnimo, Ammaano,Karti iyo Hiigsi. Waxaan ahay mid og cabashadiina waxanan fahamsanahay dhibaatooyinka jira.
Waxaan ogahay in Hargeysi aanay maanta u baahnayn ” Yaa reer hebel ‘Golaha Deegaanka’ ugu jira! balse ay u baahantahay yaa Hargeysa ka dhigi kara caasimadda ay u qalanto”
“Allow Hargeysa u door 17 xildhibaan oo khayr qaba”