Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Lala Beegsaday Makhaayad Ku Taal Muqdisho
August 4, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ugu yaraan saddex Qof oo uu ku jiro qof naftii-halaage ahi, ayaa ku dhintay weerar is qarxin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen Booliska Soomaaliya.
Qof isku soo xidhtay Jaakadda walxaha qarxa ay ku xidhan yihiin, ayaa damcay inuu galo maqaayad la dadku ku badnaayeen oo la yidhaahdo Luul Yamani oo ku taal meel aan ka fogeyn Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ee degmada Xamar Jajab, balse niman ilaalo ka ahaa Maqaayadda, ayaa is hortaagay, taasoo keentay inuu is qarxiyo ruuxii xidhnaa walxaha qarxa.