Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Weerar Afka Ah Isku Qaaday iyo Sababta
August 7, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo soo saaray warsaxaafadeed, ayaa dalab xasaasi ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Cabdi Xaashi ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in baadhis deg-deg ah uu ku sameeyo xeerka maaliyadda guud ee dalka oo uu dhowaan u gudbiyey Golaha Shacabka.Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa lagu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu been abuur ka sameeyey habraaca dhaqan-gelinta xeerka maaliyadda guud ee dalka, isaga oo sheegay in aan lasii marsiinin Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare,. si uu dib u eegis ugu sameeyaan iyaguna.