“Xidhiidhka Taiwan Iyo Somaliland Waxan Ka Baqayaa In Uu Noqdo “Quud Aan Jirin Qoryo U Guro”Siyaasi Cali Guray.
August 10, 2020 - Written by admin
Sida Aan U Arko dhinaca iskaashiga horumarinta dhaqaalaha ee Taiwan iyo Somaliland kolay dhinaca Somaliland arimaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah dhinaca tamarta gaar ahaan xoogga korontada laga dhaliyo warshadaha ku shaqeeya dhuxul-dhagaxda oo Taiwan ay ka hesho 30% korontadeeda. Somaliland oo aynu ognahay qiimaha qaaliga ah ee korontada laga dhaliyo mishiinada ku shaqeeya naaftada caadiga ah een xataa ahayn naaftada culus ( heavy diesel) waxay carqalad ku tahay dhamaan mashaariicda horumarineed ee u baahan koronto sicir jaban sida warshadaha waxsoosaarka iyo adeegyada. Somaliland waxa la xaqiijiyay in dhulkeedu hodan ku yahay dhuxul-dhagaxda meelaha sida wayn loogu tilmaamona waxa ka mid ah Conqor oo bariga Berbera ah. Ilaa maanta wadamo badan oo ay ka mid yihiin kuwa hore ugu maray dhinaca warshadaha ayaa laga isticmaalaa tamarta dhuxul dhagaxda. Waxa ka mid ah dalalka Shiinaha iyo Hindiya iyo kuwo Yurub sida Jarmalka oo dib u bilaabay qodista dhuxul-dhagaxda wadankiisa iyo xataa dalka Maraykanka laftiisa in kastoo intii muddo ahayd ay joogsadeen mashariicdii qodista dhuxul-dhagaxdu. Somaliland hadii ay hesho koronto jaban oo ku soo baxda tamarta dhuxul-dhagaxda waa hubaal in wax badani ay iska bedeli karaan kuna talaabsan karto mashaariic badan oo horumar dhaqaale iyo shaqo abuurba leh.