Belarus”Haweeney Musharrax Madaxweyne Aheyd Oo Dalkeedda Uga Carartay Caruurteed Awgood
August 12, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hogaamiyaha mucaaradka dalka Belarus ayaa sheegtay inay qaadatay go’aan adag oo ah inay isaga baxdo dalkeeda, kaddib markii ay ka hor timi natiijadii doorashada oo ku anddacootay in lagu shubtay.

Muuqaal ay barta Youtube soo gelisay waxay Svetlana Tikhanovskaya ku sheegtay in carruurteeda dartood ay go’aankaas u gaadhay xilli habeenkii labaad ay Belarus ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo natiijada doorashada, waxaana dibadbaxyada ku dhintay hal qof.Waxaa sidoo kale soo baxay muuqaal labaad oo muujinaya iyadoo warqad wax ka akhrinayso xilli la xidhay.