“Waxan Aan Ku Fadhinno Maaha Wax Noo Qalma, Waxa Aan Doonaynaa In Reer Somaliland Helaan Xilalka Ay U Qalmaan Ee Madaxweynaha Iyo Ra’iisal Wasaaraha”Wasiirka Warfaafinta Xamar Maxamed Xayir Maareeye
August 12, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Maareeye, ayaa sheegey in xilalka ay reer Somaliland ka hayaan dowladda Soomaaliya aysan u qalmin, balse ay ku sugayaan midnimo Soomaaliyeed.
“Waxa aan ku fadhinno maaha wax noo qalma, waxa aan doonaynaa in reer Somaliland helaan xilalka ay u qalmaan ee madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, balse waxan waa wax aan ku sugayno in lala midoobo Somaliland” Ayuu yidhi Maareeye oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho.